daajis.com:- Ciidamada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa saakay waaberigii howlgal qorsheysnaa ku qaaday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, howlgalkaasi oo ka dhashay iska horimaad dhex maray ciidamada nabadsugida iyo koox ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheyneysay weeraro argagixiso.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan NISA iyo mid ka mid ah dableydii Al-Shabaab, oo diiday in uu isdhiibo.
Sidoo kale ciidamada NISA ayaa waxay ku qabteen howlgalkaasi Shan xubnood iyo hub kala duwan.
War kooban oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid sirdoon oo mudo lagu daba jiray, laguna guuleystay in laga hortago weeraro argagixiso oo kooxdaasi damacsaneyd in ay ka fuliyaan Muqdisho.
Waa howlgalkii sirdoon ee ugu horeeyay oo lagu fashiliyo weeraro argagixiso, kuwii damacsanaana gacanta lagu dhigo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at