Siyaasiga Caalin oo cambaareeyay qaabkii ay madaxda DF u abaareen dhacdadii Liido

Siyaasiga Caalin oo cambaareeyay qaabkii ay madaxda DF u abaareen dhacdadii Liido

daajis.com:- Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ah Diplomaasi Dowladda Finland kala taliya Arrimaha dalka Somalia, ayaa dhaliilay qaabka ay Madaxda Dowladda Federalka u abaareen Dhacdadii Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen dad ku sugnaa Baar ku yaalla Xeebta Liido, kuna dileen Labaatameeyo qof oo rayid ahaa.

Diplomaasi Caalim oo xalay Khadka Telefoonka kula hadlay Barnaamijka “Wareegga Wararka ee Idaacadda Dalsan ee magaalladda Muqdisho ayaa waxa uu sheegay halkii ay Madaxda Qaranka ka booqdeen Liido Weerarka kadib inay ku fiicnayd inay soo booqdaan Bukaanadda ku dhaawacantay Weerarkaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaallo ku yaalla magaalladda Muqdisho.

“Waxa fiicnayd in Ehelladda daka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi loo tacsideeyo, isla markaana la soo booqdo dadkii ku dhaawacmay Weerarkaasi” ayuu yiri Diplomaasi Caalim oo ku sugan Casaimadda dalka Finland ee Helsinki.

Siyaasiga Caalin oo cambaareeyay qaabkii ay madaxda DF u abaareen dhacdadii LiidoSiyaasiga Caalin oo cambaareeyay qaabkii ay madaxda DF u abaareen dhacdadii LiidoWaxaa kaloo uu Wareysigiisa kaga hadlay Shirka Wada Tashiga Qaranka ee dhawaan ku fashilmay magaalladda Kismaayo, wuxuuna arrintaasi ku sababeeyey Madaxda Maamul-gobaleedyadda oo uu tilmamaay inuu qof kasta doonayo inuu wax ku maamulo Aragtidiisa.

Diplomaasiga oo in ka badan 20-sanno La-taliye u ah Dowladda Finland ee Arrimaha Somalia, wuxuu sheegay haddii ay Madaxda Soomaalida go’aan gaari waayaan inay Madaxda Beesha Caalamka go’aamin doonin Nidaamka Doorashadda iyo Masiirka Somali.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Caqabadaha dhicisn kara Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka socda magaalladda Jowhar, wuxuuna ku eedeeyey Dowladda Federalka inay isku koobeen Maaraynta Shirkaasi, halkii laga dhigi lahaa in la wadaago Talada, si loo dhiso Maamul-gobaleed lagu mideysan yahay.

Diplomaasigaasi waxa uu ku taliyey in fursad la siiyo Ergooyinka Beelaha Deegaanka, si ay iyaga uga tashadaan Dhismaha Maamulkaasi, una qaataan Mowqif Mideysan oo ku aadan Wadaagista Xilalka Mamaul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.



Hadalka Diplomaasiga ayaa soo baxay, iyadoo qaar ka mid ah Ergooyinka saluugsan yihiin Nidaamka Shirka, kuwaasi oo ay qaarkooda isaga baxeen Madasha Shirka, shuruudna ka dhigay in la joojiyo waxa ay ugu yeereen Faragelinta dhinaca Dowladda ee Shirkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada