Sweden oo Block Gareeysay Wabseedka MailOnline oo dhowr war ka qoray Soomaaligii dilay..

Sweden oo Block Gareeysay Wabseedka MailOnline oo dhowr war ka qoray Soomaaligii dilay..

daajis.com:- Qoddob-wareed lagu soo daabacay Websaytka Mail Online ee hoos taga Wargeyska The Daily Mail ayey Dowladda Sweden dhibsatay, ka hor inta aysan xayirin(Blocked).

Tallaabadan ayaa ka dambaysay, kadib, markii Mail Online lagu soo daabacay War ku aadan shaki la xiriiray da’da nin Qaxooti Somali oo haatan u xiran fal tooreey ah oo ay u geeriyootay Haweeney shaqaale ka ahayd Xaeun lagu hayo Carruurta Qaxootiga ee aysan la soconin Waalkidkooda.

Toddobaadkii hore, Mail Online waxay daabacday in Qoyska Haweeneyda la dilay ee la oran jirey Alexandara Mezher waxay caddeeyeen inay Marxuumadda intaysan geeriyoonin u sheegtay in ay ka shaki qabto da’da qaar ka mid ah Qaxootiga isku tilmaama inay carruur yihiin ee lagu hayo Xeradda Daryeelka Magangelyo-doonka.
Alexandra Mezher  waxay kaloo waalidkeeda u sheegay inay daryeesho dhallinyaro carruur isku-sheeg ah oo da’dooda gaarayso ilaa 24 sanno.

Qoraalkaasi kadib, Macaamiishka Swedishka ee isticmaala Websaytyadda ayaa waxay la kulmaan Farriin ah in Qoddob-wareedkaasi la xayiray (Blocked).

Ilo ku dhow Wargeyska Breitbart London ayaa qoray in la ganaaxay Weriyihii iyo Websaytka Mail Online, laakiin Sweden waxay sheegtay in Wargeyska laga qaadi doonaa Tallaabo Sharci ah.

Koox Suxufiyiin ah oo kasocda Wargeyska The Daily Mail ayaa isbuucii hore u safray magaalladda Göteborg si ay ula socdaan Dacwadda Wiilka Soomaaliga ee dilka geystay.

Boliska Swedish wey diideen inay ka hadlaan Caddaynta Ninka Soomaaliga ee dilka geystay, kaasi oo ka mid ah carruurta magangelyo-doonka ee lagu hayo Degaanka Mölndal, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan kuwo da’dooda u dhexeyso 14-jir ilaa 17-jir.

Dhinaca kale, Ninka Soomaaliga ee dilka ka geystay Sweden ayaa la filayaa in bisha soo socota ee Feberaayo 11-da la soo taago Maxkamad ay albaabadda u xiran yihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada