Sweden oo Dib u Celinaysa Dad Gaaraya 80 Kun oo Qaxooti ah (VIDEO)

Sweden oo Dib u Celinaysa Dad Gaaraya 80 Kun oo Qaxooti ah (VIDEO)

daajis.com:- Dalka Sweden ayaa sheegay inuu dib u celiyo dad gaaraya ilaa 80,000 oo qof, xilli Xukuumadda cadaadis uga imaanayo dilka haweeney 22-jir ah ah oo lagu dilay Xerada “Molndal” oo u dhow Gothenburg, Isniintii 26kii Janaayo 2016.

Alexandra Mezher oo ka shaqaysa xeryaha qaabilaadda carruurta an waalidku la socon ee qaxootiga ah, waxaana dilay wiil da’yar oo Soomaali ah, iyada oo kala celinaysa dagaal dhex maray isaga iyo mid kale..

Ugu yaraan 60,000 oo codsiyadoodii magangalyo doonka la diiday ayaa jira, waxaana tirada dalalkooda dib loogu celinayo laga yaabaa in ay 80,000 gaarto.


Waxaa is-baddel ku yimidi habkii Sweden ula macaamilaysay qaxootiga, is- beddelkaas oo si cad u soo baxay, tan iyo markii, Xisbiga garabka fog ee ajnabi diidka ah “Swedish Democrats” uu galay kaalinta 3-dexaad ee siyaasadda codbixintii dhacday bishii Oktoobar 2014kii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Anders Ygeman ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in,daadguraynta dadka loo adeegsan doono diyaaradaha ganacsiga oo la kireeyo.

Wuxuu sheegay in isku cel-celinta codsiyada la diiday ay yihiin 45%, sidaa darteedna ay xaq tahay in la filan karo wax ka badan 70,000 in la celin karo. Waana tilmaan muujinaysa,dhibaato isa soo taraysa oo haysata Xukuumadda uu hoggaamiyo Xisbiga “Social Democratic” ee Stockholm.

Dalka Sweden oo ay ku noolyihiin in ka yar 10,milyan oo qof,wuxuu sannadkii 2015kii oo kaliya qaabilay,qaxooti tiradoodu tahay 163,000 oo qof.
Hoos ka Daawo


Taariikh ahaan waxaa lagu yaqaannay Sweden,meel ay u soo haajiraan siyaasiyiinta dalalkooda ka soo carara iyo kuwa dagaallada sokeeye ka soo barakaca, kuwaas oo gacan ka heli jiray,siyaasadda Bidixda u janjeerta,sida, Ra’iisal Wasaarihii hore Olof Palme.

Laakiin tirada xad-dhaafka ah ee soo galootiga ayaa muran galiyay,kartida hab ilaa hadda loo haystay mid si habsami ah u shaqaynaya,waxaana uga sii dartay, buuqii ka taagnaa goobaha qaabilaadda, dilkii Alexandra,oo la sheegay inay asal ahaan ka soo jeedday dalka Lubnaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada