TOP;DOWLADA IIRAAN OO SI JEES JEES AH UGU JAWAABTAY JABUUTI

TOP;DOWLADA IIRAAN OO SI JEES JEES AH UGU JAWAABTAY JABUUTI

daajis.com:- Iyada oo Waddamada Carabta intooda badan ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen Dowladda Iiraan ayaa waxaa arrintaasi ka mid noqotay sheeko si gaar ah u soo jiidatay Warbaahinta Bulshada,waxaan ay ahayd markii Dowladda Jabuuti ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Iiraan. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Max’ed Javad Shariif ayaa waxaa uu is weydiiyay halka ay ku taallo Jabuutida sheegtay in ay xiriirka u jartay Iiraan,maaddaas oo noqotay mid soo jidatay Warbaahinta aadna loo hadal hayo. 

Warbaahinta qaar ayaa ku tilmaamay arrintaasi mid heyb sooc ah ama ihaaneysi ah,waxaana ay Dowladda Iiraan ku dhaliileen Jawaabta ay ka bixisay Xiriir u jarista Jabuuti oo ka mid ah Waddamada Xiriirka u jiaray Iiraan. 

 Waddamada Qatar,Baxreyn,Jordan,Imaaraadka,Suudaan,Soomaaliya,Kuwait. iyo kuwo kale ayaa ku dhawaaqay in ay Xiriirka u jareen Iiraan kadib markii ay Iiraan jebisay mid ka mid ah Sharciyada diblomaasiyadeed ee Caalamka markii Taageerayaal ka careysan Wadaad Shiico ah oo uu dilay Sucuudiga ay dab qabad siiyeen Safaaradda Sucuudiga ee Tehraan,taas oo sababtay in Sucuudiga uu ku dhawaaqo in uu xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsiba u jaray Iiraan,waxaana ku raacay inta badan Waddamada Jaamacadda Carabta. 

 Javaad waxaa uu weydiiyay Diblomaasiyiinta Reer Jabuuti bal in ay Qariiradda Waddankooda ee Caalamka ku soo helaan 24 Saac. Wargeyska Kayhan News Paper ee ka soo baxa Iiraan ayaa hadalkan ka soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan,waxaan Tafaftiraha Wargeyskaasi uu Aqristayaashiisa doorran siiyay in ay ka doodaan hadalka Iiraan ee ku maadeysanaya Jabuuti. Waddamada Ciraaq.
Lebonan iyo Suuriya ayaan ka qeyb gelin Cambaareynta iyo xiriir u jarista Waddamada Carabta ay ku sameeyeen Iiraan maaddaama ay galaan gal Siyaasadeed ku leedahay Iiraan. Dowladda Jabuuti wali kama hadlin hadalka Maadeyska ah ee kaga yimid Iiraan ee ay Iiraan is weydiisay halka ay ku taallo Jabuutida Xiriirka u jartay Iiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada