daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa cambaareeyay weerarkii saaka waabarigii Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.
Jen. Diini ayaa sheegay in weeraradaas noocaas oo kale aanay mar naba hakin doonin howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee looga saarayo dalka oo dhan.
“Weerarada naf la caariga ah ee kooxaha Argagaixisadu ka geysanayaan dalkeena, marna uma hakan doonaan in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM wada jira dalka uga sifeeyaan cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kan gobolka”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka.
Sidoo kale War saxaafadeedka laguma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda weerarkaas ku gaaray, inkastoo Afhayeen u hadlay Al-Shabaab uu sheegay inay ka dileen Ciidamada Kenya 60 askari
“Cadowga Ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in tilaabooyinkan qalafsan aysan noqon doonin kuwa looga haro, Ciidankuna diyaar u yihiin ka difaacaan dalka iyo dadkaba kooxaha nabad-diidka ah”ayuu yiri Jen. Diini.
Al-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay weerar xoogan ku qaaday saldhigyo Ciidamada Uganda iyo Burundi ku lahaayeen Shabeellaha Hoose, waxayna weeraradaas ahaayeen qaab cusub, iyagoo cudud ciidan u adeegsanayay, xerooyinka ay degan yihiin ku weeraray boqolaal dagaalyahano oo ay aad u carbiyeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at