Al-Shabaab habeenkii labaad ku hoyana Marka iyo jahawareer ka jira: Sawirro

Al-Shabaab habeenkii labaad ku hoyana Marka iyo jahawareer ka jira: Sawirro

daajis.com:- Magaalada Marka ayaa habeenkii labaad waxaa ku hoyana oo gacanta ugu jirtaa xoogaga Al-Shabaab, kadib markii saacado gudahood ay is badashay xaalada, markii ciidamada Dowladda dib u gurasho ka sameeyeen magaalada oo saakay kala wareegeen Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa maanta sheegay in ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab magaalada Marka oo shalay si xeeladeysan ugu baxeeen, waxaase xaalada ay noqotay mid isbadashay, markii dagaal culus labada dhinac ku dhex maray duleedka magaalada, ciidamadii dowladda iyo kuwii AMISOM dib ugu gurtay magaalada.

Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa galabta meel fagaare ah kala hadlay shacabka magaalada oo isugu soo baxay, kadib markii ay dib u riixeen ciidamadii deegaanka oo taageero ka helayay Ciidamada AMISOM.

Abuu Cabdalla ayaa sheegay inay dagaalkii maanta ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada, isla markaana kula wareegeen gaadiid dagaal, isagoo xaqiijiyay in si buuxda gacantooda ugu jirto magaalada

Waxaa uu sheegay inay iska caabiyeen waxa uu ugu yeeray isku day fashilmay oo Ciidamada AMISOM iyo ciidamada kale ku doonayeen inay ku soo qaadaan sida uu hadalka u dhigay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, balse ay jirto cabsi ay ka qabaan in lagu dul dagaalamo, maadaama ciidamada AMISOM ay dhinac kale magaalada ku sugan yihiin.

Dowladda Federaalka ayaa goor sii horeysay sheegtay inay la wareegtay magaalada Marka, hase ahaatee ciidamadii deegaanka ee la socday maamulka degmada ayaa markii dambe dib uga gurtay magaalada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada