Amisom oo Taageertay Qaabka Doorasho ee dalka ka dhacaysa Sanadkan 2016-ka (VIDEO)

Amisom oo Taageertay Qaabka Doorasho ee dalka ka dhacaysa Sanadkan 2016-ka (VIDEO)

daajis.com:- Wafdi uu hoggaaminayo ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa gaaray magalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay wuxuuna safarkooda salka ku hayay arrimaha doorashada 2016.

Danjire Keating iyo madaxwayne Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wada qaatay kulan ay kaga hadleen arrimo badan oo xaalada dalka ku saabsan, markii uu soo dhammaaday kulankaasi ayay saxaafada ula hadleen si wadajir ah.


Shariif Xasan Shiikh Aadan   ayaa marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahay wafdiga ka socda beesha caalamka ee soo gaaray magaalada Baydhabo, wuxa kale uu sheegay inay muhiimada koowaad tahay in la helo doorasho dalka ka dhacda sanadkan 2016-ka waxa uuna sheegay inay soo dhawaynayaan is-badalka iyo go’aankii dowladda Federaalka ee ku saab sanaa xal u helida waddada lagu galayo doorashada soo socota.

Danjire Keating ayaa isagana sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay mamulka Koonfur-galbeed waxa kale uu sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro doorashada sanadkan iyo dhagaysiga mamulada dalka, siyaasiyiinta iyo mujtamaca ku dhaqan deegaamadaasi.

Kulankaasi kadib ayuu Danjire Keaten waxa uu kulan ay al baabada u xiran yihiin la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Amisom iyo madaxda ku sugan magaalada Baydhabo, kulanka kadibna waxa ay Amisom ku dhawaaqday inay taageersan tahay Heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada ee ku saabsan Nooca Doorasho ee dhamaadka sanadkan lagu qaban doono dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada