Fujinta Boorarka Afafka Qalaad oo Muqdisho Ka Bilaawday (VIDEO)

Fujinta Boorarka Afafka Qalaad oo Muqdisho Ka Bilaawday (VIDEO)


daajis.com:- Shaqaale ka socda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay inay wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama ka fujiyaan Boorarka ay ku qoran yihiin afafka Qalaad, kadib markii Maamulka horay uu u mamnuucay in Magaalada aanan lagu arki karin Boorar ay ku qoran yihiin Afafka Qalaad.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane, ayaa sheegay in saaka la bilaabay howlgalkaasi, maadaama uu dhamaaday waqtigii loo qabtay Ganacsatada inay fujiyaan boorarkaasi.


Wuxuu sheegay Maamulka Gobolka Banaadir in go’aan lagu gaaray in la fujiyo Boorarkaasi oo lagu bedelo Boorar ay ku qoran yihiin Af Soomaaliga si loo horumariyo Afka Hooyo.

Howlgalka lagu fujinayo Boorarka ay ku qoran yihiin afka Qalaad ee ka biloowday Wadada Maka Al Mukarama, ayaa waxaa lagu howlgeliyay ciidamo gaar ah oo Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan fulinta sharcigan.

Cidii ka dhaga adeygta in Boorkeeda Ganacsi la fujiyo ayuu sheegay Afhayeenka Maamulka Banaadir in la dul dhigo doono ganaax lacageed.

hoos ka daawo




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada