Baardheere: Al-shabaab oo qabsatay Diyaarad Drones ah

Baardheere: Al-shabaab oo qabsatay Diyaarad Drones ah

daajis.com:- Dadka ku nool Tuulladda San Dacar ee duleedka Degmadda Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa sheegay inay saakayto halkaasi ku soo dhacday Diyaarad nooca Droneska.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Deegaanka San Dacar oo codsaday inaan magacooda iyo codkooda la soo xiganin ayaa inoo sheegay  inay Alshabaab halkaasi gaareen, kadibna ay rarteen Diyaaradaasi, kana furteen 6 ka mid ah Kamerooyinka ku rakibnaa Diyaaraddaasi.

Deegaanka San Dacar oo 60 KM u jirta Degmadda Baardheere ayaa la sheegay inaysan horey u joogin Alshabaab, balse ay halkaasi tageen, kadib, markii lagu wargeliyey inay halkaasi ku soo dhacday Diyaaradaasi.

Ma cadda dalka laga lahaa Diyaaradaasi, inkastoo ay Alshabaab sheegeen inay qabsadeen Diyaarad Drones oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin.

Diyaaradda oo ah nooca Sahanka, ayaa u muuqata inay  cillad farsamo la dhacday, mana aha markii ugu horreysay oo ay Diyaarado noocaasi ah ku soo dhacaan gudaha Somalia.

Inta badan Diyaaradaha Droneska waxaa isticmaala Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM,waxaana suurtogal ah in Diyaaradda ku dhacday Deegaanka San Dacar inay qeyb ka tahay Diyaaradaha Droneska ee ay AMISOM ku hawlgalaan.

Ma jirto cid sheegatay inay lahaayeen Diyaaradaasi ay qaateen Alshabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Gobalka Gedo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada