Ciidamada Nabab Sugidda oo Qabtay Dhalinyaro lagu Tuhmayo Xiriirka Al Shabaab (VIDEO)

Ciidamada Nabab Sugidda oo Qabtay Dhalinyaro lagu Tuhmayo Xiriirka Al Shabaab (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka ayaa waxa ay howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo ka tirsan Gobolka Banaadir, labadan Degmo ayaa ah kuwa inta badan howlgalada laga baarayo dhalinyarada u dagaalanta Ururka Al Shabaab ay ku dhuumaalaystaan.

Howlgalkii oo ka duwanaa howlgaladii hore, ayaa ciidamada markii ay soo qab qabteen dad badan oo Dhalinyaro ah oo goob la isugu geeyay, waxaa halkaasi gaaray Taliyaha Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya C/raxmaan Tuur Yare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.


Ciidamada ayaa kala saaray dadkii tirada badnaa ee howlgalka lagu soo qabtay, waxaana ciidanka ay halkaasi ka soo saareen 26 ruux oo la sheegay in lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane, ayaa sheegay 26-ka ruux ee ciidamada ay sida gaarka ah u soo saareen ay ku cadaatay inay Shabaab yihiin, inkastoo Baaritaano dheeri ah lasii marsiinayo.


26-ka ruux ee howlgalkaasi lagu soo qabtay ayaa lagu xiray Xarumaha ciidamada Nabad Suggida ee ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada