Filimada Rocy Handsome, Kapoor & Sons Iyo Jai Gangaajal Oo Heeso Kala Duwan Laga Soo Bandhigay (+Video)

Filimada Rocy Handsome, Kapoor & Sons Iyo Jai Gangaajal Oo Heeso Kala Duwan Laga Soo Bandhigay (+Video)

daajis.com:- Filimada xiisaha badan ee bisha Maarso la daawan doono Rocky Handsome, Kapoor & Sons iyo Jai Gangaajal ayaa heeso kala duwan laga soo bandhigay.                                                                                 

Filimka Rocky Handsome ee John Abraham hogaamiyaha ka yahay ayaa laga soo bandhigay hees lagu magacaabo Rock The Party waxaana ku luqeeyeen kooxda loo yaqaan Bombay Rockers.         

Dhinaca kale filimka la wada sugaayo ee Kapoor & Sons hormuudna ka yihiin Sidharth Malhotra, Alia Bhatt iyo Fawad Khan ayaa laga soo bandhigay heestii ugu horeesay.                                        

Filimkan sedexda aan kala dhicin ku midoobeen waxaa laga soo bandhigay hees cusub oo lagu magacaabo Kar Gayi Chull waxayna qaas u tahay Alia iyo Sidharth.                                                           

Heesta Kar Gayi Chull waxaa ku luqeenayaan Badshah, Fazilpuria, Sukriti Kakar iyo Neha Kakkar, fadlan hoos ka daawo:                                                                                                                                                 

Geeska kale filimka Jai Gangaajal isagana hees cusub oo lagu magacaabo Tetua ayaa laga soo bandhigay waxaana heestan ku luqeenayo fanaanka caanka ah Sukhwinder Singh.                            

Filimkan Priyanka Chopra atooraha kowaad ka tahay heesta laga soo bandhigay.                 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada