Guur ha Ku Deg-degin Adigoon Si taxdar Leh Uga Fikirin 5 aan Qodob..

Guur ha Ku Deg-degin Adigoon Si taxdar Leh Uga Fikirin 5 aan Qodob..

daajis.com:- Udiyaar garowga Guurku waa arin aad u dhib badan fikir badana galiya labada dhinac ee guur doonka ah, oo waa iskugu mid Ragg iyo dumarka doonaya in ay guursadaan  waana mid ay culayska saaran labada dhinacba iyaga oo fikir dheeraad galiya, ruux kastaan waxa uu doonayaa in guurkiisu noqdo aasaaska runta ah ee nolishiisa danbe. Dhab ahaantii waxa muhiim ah in arimahan aan soo sheegnay ay lagamamaarmaan yihiin isal markaana ay u baahan yihiin in daymo gaar ah loo yeesho. Arimahaan qurbo.net ay hoos ku xusayso ayaa laga Doonaya Guurdoonka ka hor inta in uu qofka guur doonkii naaqisho oo ku talogal kooda la yimaado.

1- MAS`UULIYAD:

G’aanka Guurka waa go’aansiga  aayaha Danbe Saameeya waxana lagama maarmaan ah in ay labada isguursanaysa Dareemaan mas`uuliyada ka dhalanaysa, mana aha in xiliga shukaanisga  labada qof  isku cusub yihiin ay tusaale u tahay in xidhiidhka wanaagsanaan doono ee guurka ka dib, waana in laada  qof ay dareemaan ma`uuliyad ee aanay xiisaha hore ku go’aan qaadan.

2- XORIYADA IS DOORASHADA:

Waxaa  muhiim ah in labada qof ee nolosha wadaagaya ay ahaadaan kuwo isdoortay kuma haboona in lasoo kala dhaxgalaa  xitaa hadii ay yihiin kuwa ugu dhaaw qaraabada , maxaa yeelay cida ladoonayo in ay wada dhaqantaa ee midhaha jacaylka wadaagaan waa  lamaanaha cusub.

3-  U DIYAAR GAROWGA NOLOL BADALASHADA:

Hadii ay lamaanuhu isguursadaan waxa badalmaya qeybo farabadan oo ka mida noloshii hore ee ay ku noolaayeen guurkuna wax sahlan waayo waxa ku jiro xaalada kala duwan oo cusub  waana in aad diyaar u tahay in ay dhacaan mudada guurka dareemo kala ah cadho farxad  mahan iyo wixii la halmaala.

4-ISkU CADAYN NAFTAADA AH:

Waxa laga maarmaan ah in dhalinyarada doonaysa in ay guusadaan  ay naftooda si kali ah miisaan u saaraan una tijaabiyaan dareenka ku aadan cida uu doonayo in uu nolosha lawadaago si guudna u eegaa, ka dibna ugu danbayna uu ku qancaa ama ay ku qanacdaa qofka dhaqankiisa iyo hab nololeedkiisa.

5-   LAQABSIGA LAMAANAHA CUSUB:

Guurku maaha sida dowlad la dhisayo oo kale markaa Ninku waa madaxweynaha Guriga waxana looga baahan yahay in uu fahan san yahay shaqsiyada xaaskiisa haweenayduna sidoo kale waa in ay la socotaa Saygeeda, hadii aad ka doodeen ceebahiina Guurka ka hor waxaa hubaal ah in aad xal buuxa ka gaadheen isqancinta nolosha danbana waxa ay noqonaysaa  mid kalgacayl uu ka buuxo oo nolol dhab ah wadaaga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada