Daawo Fadeexo Dhacday:- Jen. Gabre oo wasiir Hadliye ka joojiyey khudbad uu jeedin lahaa iyo XASAN oo arkayey

Daawo Fadeexo Dhacday:- Jen. Gabre oo wasiir Hadliye ka joojiyey khudbad uu jeedin lahaa iyo XASAN oo arkayey

daajis.com:- Fadeexadaani ayaa ka dhacday magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti kadib markii Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye laga hakiyay qeybo kamid ah Khudbadii uu ka jeedin lahaa shirka ka socda magaalada Jabuuti oo ay isku arkayeen Dowladaha Ciidamada ka jooga Somalia.

Jeneraal Gabre oo ah shaqsiga Dowlada Somalia ay ka dhaqaaqi la’ dahay islamarkaana Dowlada Ethiopia u qaabilsan qaska iyo carqaladeynta Siyaasada, Horumarka Somalia ayey kaamiradu qabatay isaga oo Warsiir Hadliye ka joojinaaya Khudbad uu kaga hadlaayay Ciidamada AMISOM ka jooga G/Sh/Hoose gaar ahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Jenaraal Gabre oo is celin waayay ayaa mar qura kasoo booday fadhiga waxa uuna Wasiir Hadliye ka qaaday qaar kamid ah warqadihii uu khudbada kusoo diyaarsaday, xili shirkaasi uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Talaabadaani uu Gabre qaaday ayaa waxa ay dareen gaar ah galisay Madax farabadan oo shirka marti ku aheyd waxaana mar qura qadar yar uu hakat ku imaaday khudbadii Wasiir Hadliye.

Tani waxa ay Fadeexad muuqata oo Dowladaha africa ay marqaati ka yihiin ku tahay Somalia, inkastoo dadka Soomaalida ay mar waliba yihiin kuwa aan dareensaneyn dhagarta Gabre iyo damiir xumida Madaxda Dowlada Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada