Madaxweynaha oo Sheegay in Hadalkii Tirada Ciidamada Kenya Laga Dilay Qalad loo Fahamay

Madaxweynaha oo Sheegay in Hadalkii Tirada Ciidamada Kenya Laga Dilay Qalad loo Fahamay

daajis.com:- Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uusan daaha ka rogin tirada Ciidanka Militariga ee Kenya looga dilay weerarkii, 15-kii bishii hore ee January ee ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Xaruntii Degmada Ceelcadde ay ku lahaayeen.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay inaanu Madaxweynuhu ugala jeedin wareysi uu siiyay Telefishinka Somalicable, in Ciidanka Kenya weerarkaasi looga dilay 180-200 oo askari, in ku dhow.

“Tirada Madaxweynaha ee 180-200 ee uu wareysiga ku sheegay ulama jeedin tirada saxda ah ee ugaga dhimatay walaalaheen Kenya weerarkii Ceelcadde, balse Madaxweynaha waxa uu tilmaamaayay xajmiga cutubka iyo askarta laga yaabay inay xilligaas ku sugneyd saldhigga Ciidamada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

”Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay ku taageeraan walaalahood Kenya hawlahooda nabad ilaalineed ee ay u joogaan dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah Ciidamada Amisom. Waxana aan la qaybsanaynaa xanuunkii iyo khasaarihii ka dhashay weerarkii ay argagaxisada ku soo qaadeen Ceelcadde.”



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada