Waa sidee Xaaladda Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Hoteel SYL iyo Beerta Nabadda (VIDEO)

Waa sidee Xaaladda Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Hoteel SYL iyo Beerta Nabadda (VIDEO)

daajis.com:- Xaaladda dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii is xig xigay ee habeenkii Jimcaha ka dhacay Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ah guud ahaan kuwo Xaladooda caafimaad ay soo hagaageyso

Dadkan dhaawacyada kala duwan qaba ayaa waxa ay yihiin dad shacab ah, inkastoo ay jiraan askar iyagana ku dhaawacmay Qaraxyadaasi ka dhacay Hotelka SYL iyo Beerta nabadda ee magaalada Muqdisho.

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina Duniya Maxamed Cali ayaa Saxaafadda u sheegtay in Isbitaalka la geeyay 33 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaasi oo 21 ka mid ah Isbitaalka gudihiisa la seexiyay.

Waxaana ay sheegtay in 21-ka qof ee Isbitaalka la seexiyay in xaaladooda ay tahay mid kala duwan oo u baahan inay isbitaalka sii joogaan si dhaqaatiirta ay uga warqabaan xaaladooda, maadaama dhaawacyada soo gaaray dadkaasi ay yihiin kuwa u baahan baxnaano caafimaad.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada