Gobolo katirsan India oo Haweenka aan wali guursan laga mamnuucay Mobile-ka

Gobolo katirsan India oo Haweenka aan wali guursan laga mamnuucay Mobile-ka

daajis.com:- Deegaano katirsan Gobolka Gujarat ee dalka India, ayaa Haweenka aan wali la guursan waxaa laga mamnuucay ineey isticmaalaan Mobile-ka, waxaana arintaas lagu macneeyay mid dumarka garab ka siineysa ineey si wanaagsan u wataan waxbarashadooda.

Deegaanada Mehsana iyo Banaskantha oo kamid ah Gobolka Gujarat, ayaa ah meelaha Gabdhaha aan wali guursan laga mamnuucay ineey isticmaalaan Mobile-ka, waxaana jira deegaano kale oo kusoo biiray ololahaan.

Ranjit Singh Thakor, oo ah barasaabka deegaanka Mehsana, ayaa sheegay in Gabdhaha ka yar 18-jirka, ay yihiin kuwa laga mamnuucay iney isticmaalaan Mobile-ka inta ay ka dhamaysanayaan waxbarashadooda.

“..Gabadhu si fiican wax uma baraneyso hadii ay Mobile haysato, waxaana suurtagal ah ineey natiijo fiican ka keensan weydo dhamaan maadooyinka ay baraneyso”, ayuu yiri Ranjit Singh Thakor.

“Hada wax ha bartaan, kadib ha guursadaan, kadib ayay heli doonaan Taleefanadooda, hadii ay hada u baahdaan Mobile waxay isticmaali karaan kuwa aabayaashood” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee Deegaan katirsan India uu qaato talaabadaan, waxaa arintaan horay u sameeyay deegaanka MEHAR STATE, kaasoo mudo sanado ah Dumarka aan la guursan ka mamnuucay isticmaalka Mobile-ka.

India waa wadanka 2-aad ee ugu weyn Suuqyada Mobile-ka, waxaana la sheegaa ineey isticmaalaan dad lagu qiyaasay 1 Million oo ruux.

Ranjit Singh, oo ah duqa Mehsana ayaa sheegay in 2,100 Rupees oo u dhiganta (31$)lagu ganaaxi doono gabadhii kahor timaad amarkaan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada