Tuuryare: “Maamulka G.banaadir ayaa hada kadib masuul ka ah amniga Muqdisho”

Tuuryare: “Maamulka G.banaadir ayaa hada kadib masuul ka ah amniga Muqdisho”


daajis.com:- Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare,Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay go’aano xalay ka soo baxay kulan looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adihiisa Amniga qaabilsan ayaa ka mas’uul ah wixii hada ka dambeeya ammaanka magaalada Muqdisho, waxaa ku wargelinayaa in aysan cidna ku haleyn, Adduunka qaabka amniga loo sugo magaalooyinka ayaa hada kadib loo sugayaa magaalada Muqdisho”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.
Sidoo kale waxa uu  sheegay in hada kadib Maamulka Gobolka Banaadir lagula xisaabtami doono amniga magaalada Muqdisho, isagoo xusay in markii hore ay kala maqneyd isku xirkii hey’adihii amniga, shacabka iyo maamulka degmada sida uu yiri.

“Hada ka hor waxaa kala maqnaa xogta, Maamulka iyo shacabkii, kii xogta hayay ee Nabadsugida ah, kii awooda ciidan hayay oo booliska ah iyo maamulka degmada oo shacabka ku xirnaa, waxaa sameysmaya Guddiga amniga degmada, waxaa kala maqnaa xogtii, awooda iyo maamulka, marka intaas la sameeyo ayaa lagula xisaabtamayaa”ayuu yiri Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Taliyaha Nabadsugida ayaa sheegay in Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir la hoos-geyn doono Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho, isagoo tilmaamay in la isla gartay in maamul kasta in amnigiisa isaga mas’uul ka noqdo.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in wixii hada ka dambeeya maamulka Gobolka Banaadir ka caawin doonaan tababarka ciidamada iyo qalabeynta, isagoo xusay in Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska ay howshooda noqon doonto inay aadaan furmiha dagaalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada