Daawo:- Hooyo seddax caruur mataano ah ku dhashay magaalada Muqdisho

Daawo:- Hooyo seddax caruur mataano ah ku dhashay magaalada Muqdisho

daajis.com:- Hooyo Soomaaliyeed ayaa Seddax ilmo mataano ah ku umushay isbitaalka Xannaano ee magaalada Muqdisho, ilmahaasi oo ah seddax gabdhood.

Aamino Cali Nuur ayaa xaaladeeda caafimaad iyo kuwa caruurta ay dhashay ayaa ah mid wanaagsan, waxayna hooyaddan ay ku nooshahay xero barakacayaasha ay ku nool yihiin oo ku taal deegaanka carbiska.

Hooyo Aamina iyo qoyskeeda ayaa ka kooban 12, ninkeedana haysan wax shaqo ah, marka laga reebo mararka qaar oo uu helo shaqooyinka adag ee xoogsatada. 

Dr C/raxman Nuux Jaamac oo ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka Xanaano ayaa sheegay in xaalada hooyadu ay haatan wanaagsan tahay isagoo sheegay in carruurta aysan ku dhalan bila dhiman, isla markaana ay u baahanyihiin xanaano gaar ah, waxuuna ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay soo caawiyaan reerkan oo ka soo jeeda qoys sabool ah.

Hooyo Aamino Cali Nuur oo ka mid ah qoysaska danta yar ayaa waxey horay u umushay laba carruur oo mataanno ah. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada