Al-Shabaab oo toogatay Yaxaas dad iyo xoolo qaad ahaa: Sawirro

Al-Shabaab oo toogatay Yaxaas dad iyo xoolo qaad ahaa: Sawirro

daajis.com:- Yaxaas loo aaneynayo inuu dad iyo xoolo qaad ahaa ayaa lagu toogtay webiga deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii mid ka mid ah maliishiyada Al-Shabaab lagu amray inuu toogto xili uu webiga bannaankiisa usoo baxay.

Yaxaaskaan ayaa lagu dhuftay 13 xabadood, kadib markii amar kasoo baxay wilaayada Al-Shabaab lagu amray askari ka tirsan kooxdaasi in uu toogto, waxaana arintaasi soo dhoweeyay dadka deegaanka Mubaarak oo qaati ka taagnaa yaxaasyada ku jira webiga deegaankaasi oo dad iyo xoolo uu ka cunay.

Askariga toogtay yaxaaska ayaa sheegay in markii dadka deegaanka kusoo wargeliyeen uu isna ogeysiiyay madaxda sare ee Al-Shabaab, kadibna ku amreen in uu toogto maadaama uu dad qaad iyo xoolo qaad ahaa yaxaaskaasi.

“Caddowga Illaahey ayuu ahaa, illaahey ayaana shartiisa intaas ku gabagabeeyay” ayuu yiri askariga Al-Shabaab ka tirsan ee toogtay Yaxaaskaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada