Ragii ka Danbeeyay Dilka Wariye Hindiyo Xaaji oo Maanta Maxkamad la Saarayo

Ragii ka Danbeeyay Dilka Wariye Hindiyo Xaaji oo Maanta Maxkamad la Saarayo

daajis.com:-  Waxaa maanta Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida lagu wadaa in ay dhageysato dacwad loo heysto ilaa shan nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Allah u naxariistee Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd warbaahinta qaranka.

Warbaahinta ku sugan xarunta garsoorka dalka oo maxkamadeynta maanta ay ka dhici doonto ayaa soo sheegaya in maxkamadda ay ku sugan yihiin qareenada u doodaya eedeysanayaasha, eheladooda iyo dadweyne u yimid dhageysiga maxkamadda.



Raggan oo lagu eedeyay dilka Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed ayaa waxaa gacata ku soo dhigay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, kadib markii ay baaritaan iyo dabagal dheer ku suubisay Sidii ay isugu xirnaayeen Shabakadii dishay Wariye Hindiyo Xaaji.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada