KASHIFAAD: S/land oo qirtay arrin laga Sheki Qabay kadib Qaraxii Daallo

KASHIFAAD: S/land oo qirtay arrin laga Sheki Qabay kadib Qaraxii Daallo

daajis.com:- Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay sheegay in Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Ee Turkish Airlines ay ka codsadeen in ay ka shaqo bilaabaan Garoonka Diyaaradaha Cigaal Airport oo ku yaalla Magaalada Hagreysa.

Agaasimaha wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdullaahi Aadan oo Wareysi siiyay Wargeyska Dawan ee ku hadla Afka Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Shirkadda Turkish Airlines ay yimaadeen Hargeysa islamarkaana ay Maamulka kala hadleen sidii ay uga Howl bilaabi lahaayeen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.“Waxaa jirta in shirkadda Turkish Airlines ay naga soo codsatay in ay Madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilawdo ka dib markii ay yimaadeen ee ay ku qanceen hannaanka uu u shaqeeyo iyo nabad gelyadiisaba laakiin wali kamaanu aqbalin Codsiga Turkish nooga yimid”ayuu yiri Cumar C/llaahi.
Shirkadda Duulimaadyada Turkish oo Soomaaliya meeshii ugu horeysay ee ay ka shaqeyso ay tahay Muqdisho,walina ka Howlgasha ayaan ka hadlin Warka ka soo yeeray Soomaaliland oo ah in Turkish Airlines ay ka Codsatay in Soomaaliland ay ka Howl biloowdo.

Hadalkan waxa uu ku soo aadayaa kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Shirkadda Turkish ay duulimaadyadeeda u wareejin doonto Somaliland kadib Qaraxii daallo, inkastoo markii dambe ay dib u biloowday Duulimaadyadeedii Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada