DAAWO:- In ka badan 30-Qof oo ku dhimatay Qaraxyo Ba’an oo ka dhacay magaalada Baydhabo (Warbixin+Video)

DAAWO:- In ka badan 30-Qof oo ku dhimatay Qaraxyo Ba’an oo ka dhacay magaalada Baydhabo (Warbixin+Video)

daajis.com:- Labo Qarax oo ismiidaamin ah dad badana ay ku dhinteen ayaa galabta waxa ay siyaabo kala duwan uga dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.


 Qaraxa koobaad ayaa waxaa fuliyay nin oday ah oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray kaa oo isku dhax qarxiyay gudaha Baar lagu magacaabo BEDER oo kuyaala agagaarka halka loo yaqaan afar irdoodka magaalada Baydhabo, waxaana baarka xiligaasi fadhiyay dad aad u badan.


Waxaa daqiiqado kadib qarax labaad oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta Dahabshiil, hakaas oo sidoo kale uu ku yaalaan xarumo iyo goobo ay dadku ku kulmaan.

Inta la xaqiijiyay labadan qarax waxaa ku dhintay dad ka badan 30-qof oo shacab ah, waxaa sidoo kale qaraxyadan ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 30-qof , kuwaa oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo culus.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada