Daawo: P/land oo si adag uga hadashay Xaalada Boosaso & dilkii Xirsi Aduunyo oo Cidii ka dambaysay la aqoonsaday

Daawo: P/land oo si adag uga hadashay Xaalada Boosaso & dilkii Xirsi Aduunyo oo Cidii ka dambaysay la aqoonsaday

daajis.com:- MaamulkaPuntland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay kooxdii dilka ugaystay ganacsade Xirsi Aadan Galaf (Adduunyo) oo Boosaaso lagu dilay “dawladdu waxay taqaanaa cidii dishay UAN Ganacsade Xirsi adduunyo, waxaana wali aan gacanta lagu dhigin kuwii dilka gaystay, dadka uu ka baxay Xirsi dadaal ayay ugu jiraan inaan dhib kale dhicin” Ayuu yidhi wasiirka Amniga maamulka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Sidoo kale wasiirka ayaa wuxuu ka hadlay dagaalkii Iyo Kacdoonkii ka dhacay Boosaaso “Waxaan Caddaynayaa in Arrimahaan dhacay ay masuuliyadoooda qaadayaan dadkii soo abaabulay, waxaana loo baahanyahay in dib loo eego wixii Soomaaliya ka dhacay, dawladduna dadka ayay Dawladd utahay” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarajab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada