Xaalada Caafimaad ee Sheekh Umal oo Qaliin Loogu sameeyay dalka Hindiya

Xaalada Caafimaad ee Sheekh Umal oo Qaliin Loogu sameeyay dalka Hindiya

daajis.com:-  Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo beryahan ku sugnaa isbitaal ku yaala dalka Indiya, sababo xaafimaad, ayaa waxaa guul ku dhamaaday qaliin looga sameeyay killi, sida uu sheegay Sheekh Maxamed Idriis oo la xiriiray isbilaalka uu ku jiro sheekha.

“Alxamdulilah Walaalayaal daqiiqado ka hor ayaan la hadlay walaalaha Sh. Maxamed Umal la jooga, qalliinkii sheekhu xoogaa yar ka hor ayuu dhamaaday, Ilaahay Mahadiis, waana lagu guulaystey fadliga Ilaahay, Kellidiina lama saarin, mahadda ilaahay, wuuna soo miyirsadey sheekhu Alxamdulilah. 

Intaas ayaan la socodsiinayaa walaalaha sheekha Jecel ee iga codsaday inaan xaaladda la socodsiiyo mar walba, Ilaahayna ha idin ka abaal mariyo ducadiina” ayuu ku yiri Allah ha xifdiyee Sheekh Maxamed Idriis.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada