DAAWO: Qaraxii iyo Weerarkii Xalay ka dhacay duleedka Villa Somalia

DAAWO: Qaraxii iyo Weerarkii Xalay ka dhacay duleedka Villa Somalia

daajis.com:- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qaraxii xalay ka dhacay agagaarka Hotelka uu ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay  qararaxa in loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka qaada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaa uu tilmaamay in Ciidamada ay ku celiyeen bar koontarool oo ku dhaw dhismaha Hotelka SYL halkaasna uu gaariga uu uu ku qarxay.

Wasiirka  ayaa wuxuu tilmaamay in baarisla horudhac ay sameeyeen booliiska iyo Hay’ado tagaeera lagu ogaaday in qaraxii xalay culeeskii ahaa 200KG,  Sidoo kale wuxuu sheegay sheegay Wasiirka  in uu  Qaraxa samaeyntiisu uu aad u yaraa , uuna ilaah ka bad baadiyay dad badan oo ka agdhawaa halka uu qaraxaasi ka dhacay.


Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada amniga ay toogteen rag uu sheegay in ay damacsanayaeen in ay gudaha u galaan Dhismaha Hotelka SYL, waxa uuna bogaadiyay Wasiirka Ciidamada amaanka uu sheegay in ay yihiin geesiyaal naftooda u huray difaaca dadkooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada