Daawo Sawirada :- Al-shabaab oo soo bandhigtay Carruurta ay Ismiidaaminta iyo dilalka u adeegsan laheyd

Daawo Sawirada :- Al-shabaab oo soo bandhigtay Carruurta ay Ismiidaaminta iyo dilalka u adeegsan laheyd

daajis.com:- Maleeshiyaadka Al-shabaab qeybteeda ka howlgasha degmada Bariirre ee gobolka shabeelaha Hoose, ayaa soo bandhigay Carruur farabadan oo ay ka dhaadhiciyeen fakirkooda kuwaasi oo ay u adeegsanayaan dagaalka ay kula jiraan Dowlada iyo AMISOM.

Carruurtaani ayaa waxaa ka muuqda rafaad u muuqaal eg inaysan heysan daryeel dhan waalid iyo mid gaarba, waxaana loogu labisay astaanta ay ku caanbaxday maleeshiyada.

Maleeshiyada oo qaabab kala duwan ku xiragaliyay carruurtaasi ayaa sheegay in UJeedka uu yahay inay u adeegaan hadafka Kooxda.

Carruurtaani ayaa ah kuwo si gaar ah loo baro dhagarta ay maleeshiyada u maleegeyso Umadda Soomaaliyeed, sida ka qeybqaadashada weerarada ka dhaca gudaha iyo daafaha magaalada, Ismiidaaminta iyo arrimo kale oo aan diintu qabin.

Maleeshiyadu waxa ay ku faaneysaa in carruurtaasi ay baraan Hadafkooda balse sheekadu ay tahay baroortu Orgayga kaweyn.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada