DAAWO WARBIXIN SIRDOON: Ninkii fududeeyay qaraxii daallo, beeshiisa iyo dadkii uu horay u shirqoolay

DAAWO WARBIXIN SIRDOON: Ninkii fududeeyay qaraxii daallo, beeshiisa iyo dadkii uu horay u shirqoolay

daajis.com:- Sida lagu soo bandhigay muuqaalada kaamirada CCTV ee garoonka ku xirney, waxaa ka muuqda Cabdiweli oo xiran dharka shaqaalaha garoonka ee jaakada gaduudan, waxaana la socdana nin ay saaxiib yihiin oo la yiraahdo Xasan Ibraahim oo ku magac dheeraa Xasan Caato, kaasoo markii danbe uu ku dilay miino gaarigiisa uu ugu xiray 05 Febrayo.

Cabdiweli ayaa adeegsaday kaarto adag si warbixintiisa uusan u bixin Xasan Caato, waxayna labadooda isku raaceen degmada Wadajir, wuxuuna Cabdiweli ka codsaday Xasan in gaariga uu kusii jiro si uu dukaan meesha ku yiil ugu soo iibsado alaab, daqiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa oo uu maamulayay Cabdiweli.

Xubnihii uu horay u shirqoolay Cabdiweli ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxii waaxda Saadaasha hawada  Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey iyo labo kale oo gaari la saarneyd, kuwaasi oo markii ay shaqada ka baxeen uu dib ugu yeeray in ay kusoo laabtaan garoonka arrimo deg deg ah oo jira awgood, waxaana lagu qarxiyay agagaarka isgoyska KM4 bishii November 11, 2014.

 
Sawirkaani idiin muuqda ee jaakada oronyada qofka xiran waa Cabdiweli iyo saaxiibkiisa la fududeeyay Xasan Caato Seddax maalin kadib mashimay Cabdiweli oo gaarigiisa uu kula qarxiyay Wadajir 5-bishan

Cabdiweli ayaa ka tirsanaa shaqaalaha garoonka, gaar ahaan waaxda saadaasha hawada, sidoo kale wuxuu horay ugu soo shaqeeyay shirkaddii Sky ee garoonka maamuli jirtay.

Arinta layaabka leh ayaa ah in Cabdiweli uu ka tirsanaan jiray Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Soomaaliya xiligii Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif.

Sidoo kale qof kale oo la shaqeynayay Cabdiweli ayaa laga soo qabtay kontoroolka Afgooye xili uu baxsad ahaa, kaasoo ka mid ahaa silsiladii fududeysay qaraxii daalo, inkastoo aan magaciisa weli ku raad joogno. Sidoo kale qof dumar ah ayaa loo xiray falkaani, taasoo kaliya u xiran muuqaalka Video ee ay ka dhex muuqaday xili ay goobta maraysay.

 Maamulihii shirkadda Jubba ee garoonka Muqdisho ayaa isna xabsiga ku jira, kaasoo isna loo qabtay markii ninkii is qarxiya ee C/salaan Boorlo lagu magacaabi jiray u tilmaamay koontarka Daallo, balse waxaa suuragal in mas’uulkaasi xorriyadiisa loo soo celiyo iyo gabadha ka muuqatay muuqaalka video-ga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada