Al-Shabaab oo xukun ku fuliyay 40 jir kufsaday islaan waayeel 62 jir

Al-Shabaab oo xukun ku fuliyay 40 jir kufsaday islaan waayeel 62 jir

daajis.com:- Al-Shabaab xukun ku fuliyay Ibraahim Maxamed Aadan 40 jir ah, kadib markii haweeney waayeel 62 jir ah oo lagu magacaabo Xabiibo Cali Wardheere, ay kusoo eedeysay inuu kufsaday.

Arintaan layaabka leh ee Shabaab kusoo bandhigeen fagaaro ku yaal deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan gobolka Baay, halkaasoo lagula fuliyay xukun ah, 100 jeedal garbaash ah, inuu bixiyo qaalin lo’ah oo seddax sano jir, iyo in mudo sanad ah laga masaafuriyo deegaanka.


Qaadiga maxkamadda Shabaab ee dacwadan xukunkeeda ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ibraahim Maxamed uu horay u soo maray meher kaliya, sidaasina xukunkiisa uu noqday.

AL-Shabaab ayaa dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ku fuliyo xukunno kala duwan, iyadoo aysan jirin garsoor u dooda, dacwadaha ay qaadana ay yihiin kuwo hal dhinac ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada