Dawooyinka Loo Adeegsado Fir-fircoonida weerarka Sariirta Oo Xog Cusub Laga Soo Saaray

Dawooyinka Loo Adeegsado Fir-fircoonida weerarka Sariirta Oo Xog Cusub Laga Soo Saaray

daajis.com:-Maqaalkaan ayaa cinwaan looga dhigay daawo kastaahi dareenka kor uma qaado, waxaana lagula hadlayay ragga caajisku kaga yimaado galmada kadibna adeegsada dawooyin la sheego iney caawinaad ka geystaan weerarka sariirta ama galmada. 

laakiin inta badan daawyinka la xiyisiiyo ee la tilmamo iney yihiin kuwo tayo leh oo qafka siin kara awood ku filan, ayaa la tilmaamay in natiijadoodu tahay mid been abuur ah kuwaas oo ka koobaan maadooyin aan wax fir fircooni ah laga helin raad caafimaad darro ahna ku reeba caafimaadka insaanka.

Maqaalo Mareykanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay xili dhow in daawooyinka caaboonaanta laga helo xiliga galmada la ogaaday in wax been ah ay ka sameysanyihiin, waxaana inta badan la isticmaalaa daawadaan iyadoon wax dhaqtar ah aan lasoo marsiin, iyadoo in badan laga digo dhibaatooyinka ka yimaada arintaan iney qatar weyn ku keeni karto qofka jirkiisa sida qalbi xanuun, Drs lagu magacaabo Muna Sabri ayaa sheegtay in daawooyinkaan inta badan aysan soo marin wax baarintaan ah dadkuna ka iibsadaan Farmashiyada.

“Dhaqataradaan ayaa intaas ku dartay in Yurub iyo Mareykan intaba ay hada dadaal ugu jiraan in la joojiyo dawadaan si loo yareeyo qatarteeda dhanka caafimaadka ah, waxaa kale ay sheegytay Drs Muna Sabri in inta badan aysan cadeyn waxyaabaha laga sameeyo dawadaan, iyadoo mararka qaar lagu daro sida ay tiri wax yaabo aan la qoon magacoodana aan la xusin. Meelaha ugu badan ee laga adeegso dawooyinkaan waxaa kamida sida warbixita lagu sheegay wadanka “Singapore” kaas oo si ka fiirsi la’aana looga iibsado kaniinka “Viagra”, iyadoo dalka Singapore lagu sheegay in afar meelood sadax meel ay galmadooda ku xoojiyaan dawooyinka laga iibsado Farmashiyaha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada