Bikro ma ahayn!

Bikro ma ahayn!

daajis.com:-Guurku waa  heshiis ku dhisan kalsooni iyo is aaminid labada dhan ka yimid, hadii mid ka midda labada lamaane shaki galana waxaa dhaca  in shakigaa  sababo in la kala aamin baxo  gurigii la dhisayna halkaa ku burburo.


Aduun howli kama dhamaato ismaandhaaf bini'aadamna  waa wax soo jireen ah, cilmiga iyo garashaduna  waa furaha  guusha aduun iyo aakhiro, waqtiba waqtiga ka danbeeya  waxaa sii kordha  cilmi lagu ogaado wax aan waayadii hore aqoon  baaxad weyn loo lahayn  taasina waa waxa lagu kala bixi karo marka la isku qabto arin ka mida arimaha  bulshooyinka soo kala dhex gala.



Aan u soo daadego  qormadaan jeclahay inan diirada saaro. maanta  gabdho badan waxaa loogu gafay sharaftoodiina meel looga dhacay Bikro ma ahayn!  Maxaa lagu gartaa bikranimada  su,aal ah  ayaa  iman karta,noocyo iyo qaabab  kala duwan ayay leedahay Bikradu noocyadaa waxaa ka mid nooc aan  jabin  xiliga dhalmada maahee markale .waxaa kaloo jirta  dhiiga la sheego inuu  yimaado  bikra jabka dabadii uuna ahayn  dhiig aad u badan  oo la mida neef la gowracay, wuxuu noqon karaa dhibic 2 dhibcood iwm mararka qaarn maba yimaado,.hadii dhiigaii aan la arag ma waxaa la oranayaa  gabadhaasi Bikro ma ahayn? caadooyinka xun xun ee dadkeena dhaqanka u noqday waxaa ka mida in  shaki la galiyo sharaftii gabadhaa  cafiifada ah ee dhowrsoon  iyadoo loo daliishanayo khuraafaad iyo hadalo mala awaal lagu dhisay. xaqiiqdii dhabta ahaydna aan  raad ku lahayn..



Gabadh walba oo sharafteeda lagu tuntay waxaan leeyahay walal  sharaftaada difaaco hana ka yeelin qofna inuu sharaftaada  wasaqeeyo   waa hadaaad is hubto, ka dhiidhi   gefkaa weyn ee  laguu gaystay  waa adiga mida xaqiijin karta arinkaa ee maaha ninka ku guursaday iyo bulshada kale toona  waxaa  nasiib wanaag ah in maanta   la gaaray horumar dhan walba ah   horumarkaa waxaa ka mida in  gabadha sharafteeda la wasaqeeyay  hadii Dhaqtar la geeyo  lana baadho la ogaan karo inay dhab tahay arintaa looga shakiyay  ama in lagu been abuuranayo,,,
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada