Ragga VS Dumarka – Beenta Ugu Badan Oo Ay Is Sheegaan Xilliga Shukaansiga.

Ragga VS Dumarka – Beenta Ugu Badan Oo Ay Is Sheegaan Xilliga Shukaansiga.

daajis.com:-Beentu si fudud ayey kuu dhaawacaysaa adigoo aanan fileyn,Rag iyo dumarba beentu waa u badan yihiin iney isu sheegaan xilliyada leysku cusub yahay,iyadoo ay ugu wacan tahay duruufo maldahan oo aaney sheegin sababteeda.

Halkaan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa beenta ugu sareysa ee raggu ay u sheegaan haweenka iyo Haweenku laf ahaantooda beenta ay u adeegsadaan nimanka wax kala dhexeeya.

Beenta nuucan ah raguu waa u badan yihiin.
Waan ogahay inaan soo daahay waxaa igu xermay jidka.
Waa I kanaa jidka ayaa ku soo jiraa.
Waan ka xumahay macaanto dabka ayaa iga dhacaayo mar kale ayan ku soo wacaayaa.
Aabe ama hooyo ayaa ii dhow ma hadli kari hada.
Kaarka lacagtii ayaa iga go’day xayaati.
Waxaan kaaga qaban waayey telka Shir degdeg ah ayaan ku jiray waan xayirnaa iga raalli noqo gacaliso.
Saaxiibkey oo aan mudo arag ayaa ii yimid waan ka xumahay ma kuu imaan karo.
Waxba igama qaldana macaanto waan fiicanahay macaanto.
Waan dhageysanayaa hadalkaaga si wanaagsan ayaan ula socdaa hadalkaaga.
Waad ka duwan tahay gabadhaha kale oo dhan ee aan horey u soo arkay,waxaad tahay qof aniga ii qaas ah,iyo in kale oo badan.
Hadaba maxaad ka taqaanaa beenta gabdhaha ay adeegsadaan?
Waan xanuunsanahay manta ma fiicni.
Hadaan seexday waan daalanahay
Ma arkin soo wictaankaaga codkaa iga xernaa xabiibi.
Qaali ma’ahan alaabtaan macaane.
Ma arkin,mana taabanin
Kuma qayaani adiga,waxaad tahay qofka keliya ee nolosheyda,qofkaan haka shakin waa asaxaabteyda oo keliya.
Waa hubaal waad isoo wici kartaa waqtigii aad doonto.
Daqiiqad kadib diyaar ayaan noqonaa.
Si aad ah ayaan kuu aaminay inaadan i qayaameynin.
Waxaan jeclahay inaan waqti la qaato familkaaga.
Waxaan u baahanahay inaad fikrad iga siiso lebiskeyga.
Aqriste adna ku darso fikirkaada hadii aad dumar tahay beenta ragga adeegsadaan soo baas xilliga shukaansiga hadaad nin tahay adna soo tuur beenta hawenka
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada