DF oo shaacisay in Puntland ay ka qeyb gashay shirka Stanbul

DF oo shaacisay in Puntland ay ka qeyb gashay shirka Stanbul


daajis.com:- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Stabul, ayaa sheegay in wakiilo ka socda maamul goboleedka Puntland ay ka qeyb galeen shirka shalay ka furmay Stanbul.

Daa’uud Aweys, ayaa sheegay in wakiilo matalayay maamulka Puntland ay xaadir ahaayeen shirka, kuwaasoo wakiil ka ahaa Madaxweyne Gaas oo isagu safar ugu amba baxay Mareeykanka.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo hurmarka laga gaaray heshiiskii cusbaa ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka hor yimid.

Shirkan oo maanta soo gebagaboobi doona ayaa waxa uu daba socdaa shir dabayaaqada sannadkii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirka wax ka gudoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada