Haddii aad tahay Gabar aan weli aqal galin ama Hooyo Xaas ah ka fogaaw Qodobaddan soo socda (Turjumaad)!!

Haddii aad tahay Gabar aan weli aqal galin ama Hooyo Xaas ah ka fogaaw Qodobaddan soo socda (Turjumaad)!!

daajis.com:-Arimo badan ayaa jira oo ay haboon tahay in si saraaxad leh ugu sheegin ninka aad xariirka wadaaga tihiin si looga bad baado dhibaatooyin ka dhasha arimahaas.


Ka fogaaw 11-ka Qodob ee Soo socda:-

1- Ha u sheegin qaabka aad bixiso lacagta gaar ahaan hadaad tahay dadka soo adeegashada ku waalan , waayo tani wel wel ayay ku beereysa oo kun xisaab ayuu isku dhufanayaa, hadi ay dhacdo in arimahaas aad ka wada hadashaan qaab guud ah u dul mar ee faahfaahin dheeraad ha galin .

2- Ha Isku dayin in aad dareemo jaceyl oo been ah dhisto taasi oo ku aadan ehelkiisa waayo waa ay dhaawaceysa .

3- Ka fogaaw in aad uga sheekeyso xariiradii jaceyl ee hore ee aad soo martay , xitaa hadii ay dhacdo haku fogaan kaliya ee u dul mar uun .

4- In Labada Dhinac midka kale dhaleeceeyo qalad ma ah, balse waxaaa muhiim in aad ogaato xiliga aad dhaleeceyneyso si uusan u dhisan erayadaada , ogaaw ninka maba jecla in haweeneyda dhaleeceyso .

5- Ka fogaaw waxa hal ku dhiga u ah Bulshadda gaar ahaan dumarka ‘’Ku daneyso kadibna ka daneyso’’.

6- Haddii aad marba go’aan sateen habloow inad aqal gashaan ka fogaada wax yaabaha Tashwiishka ka dhex dhaliya la maanaha.

7- Ha isku dayin inad ku dhaqaaqdo Qiyaano qoys.

8- Ha ilaabin in wax waliba ee aad sameyso laga maqlaayo banaanka, maxaa yeelay Sheydaanku waxa uu ifiyaa waxyaabaha qarsoon.

9- Mala soctaa in degdegaada uu ka saarayo Hooyga aad dhisatay, waayo Raggu marka ay caroodaan waxa ay dhumiyaan Maskaxda.

10- Ha isku dayin in Ninkaada aad isaga dhigto Bukaan Joogta ah, waayo waxaa soo degdegaaya kala tagiin, sababtuna waa Niyad jab ka imaanaya dhanka Ninkaada.

11- Sameey la tashiyo badan oo ku aadan ninkaada, isaga ka dhigo saaxiib rasmi ah.

Ugu dambeyntii, haddii aad tahay Hooyo ama Gabar aan galin Aqal ama Aroos, fadlan ka fogaaw wax waliba oo kuu keeni kara Sumcad xumi, haddii aad tahay Hooyo ama Xaas buuq badan waxaa weyneysaa Hooygaada ama aad dhumineysaa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada