Dowladda oo Sheegtay Inay Maanta Gacanta Ku Dhigtay Horjooge Muhiim u ah Al Shabaab

Dowladda oo Sheegtay Inay Maanta Gacanta Ku Dhigtay Horjooge Muhiim u ah Al Shabaab

daajis.com:- Waxaa Maanta Howlgal ay Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ay ka fuliyeen Suuqa weyn ee Bakaaraha Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku soo qabteen horjooge caan ah xilli uu ku sugnaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaala Gudaha Suuqa Bakaaraha.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in horjoogahaan horay madaxiisa loo dul dhigay dhaqaale fara badan islamarkaana lagu daba jiray in mudda ah, waxaana loogu tagay isagoo ku sugnaa hoteelka lagu magacaabo GOLDEN HOTEL.


Waxaana la socday Shabakado kale oo ka tirsan Kooxda UGUS iyagoo dhammaantood hada ku jira gacanta Ciidanka NISA.

Maamulaha Hotelka laga soo qabtay horjoogahan, oo wariye C/casiis Africa uu soo wareystay ayaa sheegay in aaney shuruudo adag aysan ku xi macaamiisha Hotelka, waxaase uu sheegay in damiin oo kaliya ay waydiiyaan kadib ay u fasaxaan in hoteelka uu dago.

Horjoogahaan Sare oo magaciisa iyo Sawirkiisa aan la soo bandhigin ayey hay’addu sheegtay in goordhaw ay Bulshadu u soo bandhigi doonto macluumadyada ninkaasi, oo la rumeysan yahay inuu yahay Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al Shabaab.

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ayaa Maalmahan dambe Howlgalo Xariir ah ka waday qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada