Maxkamad u kala gar qaadaysa seddax qoys oo wada sheekanaayo wiil 13 jir ah: Sawirro

Maxkamad u kala gar qaadaysa seddax qoys oo wada sheekanaayo wiil 13 jir ah: Sawirro

daajis.com:- Arrin naadir ku ah deegaanada ay Soomaalida degto ayaa ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasoo ka furantay dhageysiga seddax qoys oo isku haysta wiil 13 jir ah, isla markaana adag in la kala caddeeyo heybta iyo qoyska rasmiga ah ee wiilkaasi yar ku dheecaan ah.

Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Farxaan Xiddig ayaa waxaa mudo badan gacanta ku haayay xoghayaha dowladda hoose ee degmada Laascaanood Cabdi Kheyre Dirir oo damaanad qaaday noloshiisa inta laga caddeynayo heybta rasmiga ah iyo qoyska ku dhiiga iyo dheecaan ah.

Farxaan Xiddig ayaa wuxuu ku barbaaray magaalada Boosaaso, hase ahaatee uu ogaaday inuu ku dhashay deegaanada hoostaga Laascaanood, balse isagoo garaadkiisa yar yahay laga qaatay duleedka Laascaanood.

Maxkamadda Laascaanood ayaa qoysaska isku haysta wiilkaan yar weydiisay inay la yimaadaan caddeymo muujinaayo in Farxaan Xiddig yahay wiilkooda.

Tan kaliya ee qoysaskaan lagu kala saari karo ayaa ah in la qaado dheecaanka DNA ee asalka qofka dhalashadiisa sheegta halka uu kasoo jeedo, iyadoo sidoo kale la qaadayo dheecaanka waalidiinta ku doodaya wiilkaan yar, laakiin ma lahan sheybaarada Soomaaliya qalabka lagu ogaado wada dhalashada iyo isirka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada