Sawirro: Jawaari iyo madaxda baarlamaanada maamulada dalka oo shir ugu soo xirmay Muqdisho

Sawirro: Jawaari iyo madaxda baarlamaanada maamulada dalka oo shir ugu soo xirmay Muqdisho

daajis.com:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Muqdsho kusoo xeray shir uga socday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho -Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya intii u dhaxeysay 17-20 February 2016.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay furitaanka Munaasabadda shirka lagu soo xeray ayaa tilmaamay in qorshaha ay golayaasha sharci dejinta isla ogolaadeen ay ka mid tahay in marka guddiga Baarlamaanka Federaalka u xil saaran arrimaha Dastuurka marka ay baxayaan oo Dastuurka ay geynayaan Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada ay raacaan sidoo kale dhammaan Xildhibaannada deegaan doorashadooda loo socdo ee heer federaal waxaana uu dhanka ballan qaaday in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka uu wada shaqeyn joogto ah la yeelan doono goleyaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqadir Shariif Sheekh Unaa oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muhiimad u siinayo wadatashiga golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada waxaana ay si wadajir ah u sheegeen iney raacsan yihiin heshiis is afgarad la xiriira mabaadii’da hagaya iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa golayaasha sharci dejinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirkii ugu horeeyey ee Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya uu ku dhammaaday guul waxaana uu sheegay in uu rajeynayo in Baarlamaannada oo wadajira ay wada saxiixdaan heshiis is afgarad ah.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada