Dowladda Sacuudiga oo Ciidamo iyo Diyaarado Dagaal u Diraya Dalka Turkiga (VIDEO)

Dowladda Sacuudiga oo Ciidamo iyo Diyaarado Dagaal u Diraya Dalka Turkiga (VIDEO)

daajis.com:- Sacuudi Carabiya ayaa qaar kamid ah diyaaradaheeda dagaalka u diraysa saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla xuduuda dalka Turkiga iyo Suuriya, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa hadalkan ka sheegay dalka Jarmalka.

Ma cadda tirada diyaaradaha Sacuudigu uu u dirayo dalka Turkiga, Wasiirku wuxuu kaloo sheegay inay dhici karto in Sacuudigu uu sidoo kale ciidamo u diro Turkiga, laakiin arintan ayaa waxaa ka digay dalka Ruushka oo Sheegay inay dagaal lagali doonaan ciidamadii shisheeye ee ku soo xadgudba dhulka Suuriya iyaga oo aan ogolaansho ka haysan Madaxweynaha Dalka Suuriya.


Madaxda iyo Saraakisha dalka Sacuudiga ayaan weli ka hadlin hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaTurkiga.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa hore u sheegay in ciidamo ka socda Maraykankan aan loo diri doonin dalka Suuriya, laakiin Sacuudiga ayaa bishan gudaheeda sheegay in ciidamo la dagaallamo ururka Daacish ay u diri donaan dalka Suuriya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada