War Deg Deg ah:- Al-Shabaab oo si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Diyaaradda Daallo

War Deg Deg ah:- Al-Shabaab oo si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Diyaaradda Daallo

daajis.com:- Xarakada Al-Shabaab ayaa war goor dhow ay soo saaratay waxay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyada qaraxii Diyaaraddii Daallo Airline ee 2-dii bishan Febraayo.

War qoraal ah oo ku qornaa Afka Ingiriiska ayay Al-Shabaab ku sheegtay inay weerarkaas ku bartilmaameedsaneysay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Turkiga.

“Mujaahidiinta waxay qaadeen howl gal ay ku bartilmaameedsanayeen sirdoonka reer galbeedka iyo saraakiil Turkish ah ee ka tirsan Ciidanka NATO, diyaarad ay la socdeen oo ku sii jeeday Jabuuti”ayaa lagu yiri qoraal ku qornaa afka Ingiriiska.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu qeyb ka ahaa weerarada ay ku bartilmaameedsaneyso Sirdoonka reer Galbeedka iyo kuwa dowladda sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab,

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda ku xustay in weerar duqeyn ah ku qaaday dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore Xerada Xalane, oo xarun u ah Ciidamada AMISOM, halkaasoo ay sheegeen inay saldhig ku leeyihiin Sirdoonada Mareykanka ee CIA, MIB iyo Mossad, ayna ku dileen 17 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Cadaan.


Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday weerarkii bishii May ee sanadkii 2014 lagu qaaday Maqaayad ku taal Jabuuti.

Hadalkan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo aanay dowladda Federaalka cidna u saarin weerarkii Diyaaraddi Daallo, inkastoo ilo laga soo xigtay Saraakiil Mareykan ah ay weerarkaas la xiriiriyeen Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada