Sawirro: Baarlamaanka South Afica oo KABO ku weeraray Madaxweynaha dalkaasi

Sawirro: Baarlamaanka South Afica oo KABO ku weeraray Madaxweynaha dalkaasi

daajis.com:- Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Afrika kuwooda ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku buuqay Madaxweynaha dalkaasi xili uu Khudbad ka horjeedinaayay Golihiisa Baarlamaanka.

Xildhibaanada Foodada sameeyay ayaa ka tirsan Xisiga ”Eff Economic Freedom Fighters” kaasi oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada kasoo horjeeda Jacob Zuma.

Xildhibaanada ayaa goortii uu Madaxweynaha u istaagay Khudbada ku dhaqaaqay buuq iyo sawaxan islamarkaana Madaxweyne Jacob dhaleeceeyay, waxa ayna ku tuur-tuureen Kabo ay xirnaayen.

Buuq iyo Jahwareer ayaa Hareeyay Baarlamaanka Dalka Koonfur Afrika, halkaasoo Xubnaha Xisbiga Mucaaradka ay qal-qal geliyeen Khudbad uu jeedinayay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Zuma.

Xildhbaannada mucaaradka Garabka-bidix ee xisbiga Eff ayaa waxay dalbadeen in hadal ay jeediyaan; waxayna bilaabeen dhaleecayn ka dhan ah Madaxweyne Jacob Zuma, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay uu buuq badan dhashay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada