Gabar qurux badan diintana ku fiican oo si xoog ah lagu kufsaday, balse arin aad u qiiro badan ayey sameysay

Gabar qurux badan diintana ku fiican oo si xoog ah lagu kufsaday, balse arin aad u qiiro badan ayey sameysay

daajis.com:-Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka.

Qisadaan ayaa noqotay mid dareen iyo qiiro badan ku abuurtay qof walboo Muslim ah oo aqristay..

Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga Helay Nin ay meel isku Arkeen, Ninkii ayaana aad ula Yaabay Gabadhaan Quruxdeeda iyo Qaabka ilaah u Sameeyay.

Ninkaan ayaa isku dayay inuu Gabadhan Xiriir la Sameeyo, si uu ula Sheekeysto, balse marar badan ayey ku Gacan Seyrtay, Iyado ka diiday inuu Hadal la Furto. Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lahaa Gabdhaan.

Balse Adoonta ilaahey ku Xiran, Quruxdana lagu Maneystay ayaa Go’aankeeda ku Adkeysatay, iyadoo Fursad dhan u Diiday inuu Ninkani usoo Dhawaado.

Ninkii ayaa Go’aansaday inuu Kufsado Gabadhan, oo uu Xoog wax uga Qaato, maadaama uu Xeelad wax uga waayey, wuxuuna Xoogay Gabadhii oo aan Raali ka aheyn, wax walbana Qasab ayuu uga Qaatay,
Balse Arinka la yaabka leh ee Qalbigaaga Dhaqaajin doona ayaa ah Arinka ay Gabadhani ku Dhaqaaqday intii uu Ninkani Howshiisa watay.

Gabadhan ayaa Aragtay in Ninkani uu ka Xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin, waxeyna ku Fikirtay waxa ugu Dhow ee Gacanteedu Gaarto iney soo Qabsato, balse Sheygii ugu Dhawaa ayaa Noqday Dab shidan oo meel Agteeda ah yaalay.Waxeyna Gacmaha la Gashay Dabkii ayadoo Gacmaheeda u Bareertay iney Gubto.

Ninkii ayaa Howshiisa Dhameystay, balse markuu ka Istaagay ayuu la Yaabay Ficilka ay Sameysay Gabadhu iyo Sababaha ku Dhaliyay iney is Gubto, waxuuna Weydiiyay Maxaa Sababay?

Waxeyna ugu Jawaabtay:- Markii aan Arkay inaad iga Awood Badisay, oo aanan Heynin Waddo kale oo aan isaga kaa Celiyo, waxaan Go’aansaday inaan Gacmaheyga Gubo, si aanan kuu Dareemin oo aan kuula raaxeysan, Danbigana aanan Kuula Wadaagin.

Fadlan fakirkaada kadhiibo.. ------->
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada