Galmada Ilaa Meeqa Jeer ayaa Muhiim ah (Sirta Talada Nolosha)

Galmada Ilaa Meeqa Jeer ayaa Muhiim ah (Sirta Talada Nolosha)

daajis.com:-Iyado xili walba dhakhaatiirta ay u yimaadan dad doonaya inay kala tashadaan inta jeer ee ay isu galmoon karaan iyadoon wax dhibaato ahi ku imaan caafimaadkooda.

Hasa ahaatee lama helayo jawaab ku wada haboon dadka oo dhan sababta ah bani aadamka waxa uu ugu kala duwan yahay rabitaanka jinsiga, sida uu u kala duwan yahay xagga dada, awoodda, dareenka, iwm.

Horaa Lo yiri Qofka caaqilka ahi waa kan sadex waxyaabood joogteysta, ha yeeshee aan badsan kuwa oo kala ah Cuntada, socodka iyo galmada.

Waxa kale oo la yiri Geedka ninku waa sida candhada xoolaha, haddii la liso wuu dararaa oo godladaa, haddii la daayana wuu guraa. Nin tilmaamaya siduu galmada u jecel yahayna wuxuu yiri:

Saddex baan la iga maareyn karin: Hilib la cuno, hilib la koro (sida fardaha) iyo hilib hilib lagu liso (sida haweenka).

Sido kale Nin baa asagoo wiilkiisa la dardaarmaya ku yiri: Wiilkeeyow, dumar la xaajoodkood haku dheeraan yaanad ka xiisin ayana kaa xiisa dhicine, inaad ka joogsato adoo u jeellan baana laguu qaatay intay adoo jilcan ku jiidjiidi lahaayeen

Si kastaba arintu ha ahaatee, labada ruux ee isqabaa waxa ay isu galmoon karaan mar kasta oo ay iska gartaan rabitaan iyo inay u dul-qaadan karaan galmada, iyagoon dareemin wax aan ka ahayn xoogaa yar oo daal ah oo yimaada kolka ay hawsha galmadu dhammaato.

Tusaale ahaan, hadday galmadu dhacdo habeen, waxa lama huraan ah in daalka ka dhashaa uu baaba o jiifka hortiis, subaxdiina labada ruux ay shaqadooda u baqoolaan iyaga oo ay ka muuqato firfircoonaan dheeraad ahi.

Haddiise ay toosaan iyaga oo daal iyo tamar-darro la ildaran, jirkoodana meel waliba jaban tahay, ama ay dareemaan gaajo iyo lalabbo, amaba cajarrada oo uu culays ka saaran yahay, iyo weliba jilbaha oo xanuunaya. 

Waxaasi oo dhami waxay tusaale u yihiin in habdhiska taranku uu gudbay xuduuddii awooddiisa iyo qaaciddadii macquulka ahayd.

Waxaad haddaba halkaasi ka garan kartaa in firfircoonaanta iyo caafimaad qabka maalintii ay daliil u yihiin inta jeer ee saxda ah ee la isu galmoon karo.

Hadaba Waxaa jirta in ciyaaraha isboortiga, iwm., ay qayb libaax ka qaataan dhismaha jirka. Ragga feerka ciyaara mar kasta oo ay murqohoodu sii dhismaan, jirkooduna sii xoogaysto, xiniinyahoodu waa ay sii yaryaraadaan. 

Ragga caynkaasi ahi kolka ay gaboobaan ma tamar-darreeyaan, sababta oo ah waxa sii baaba qanjirradooda taranka.

Ha yeeshee dumarka aan loo galmoon, jirkoodu waa uu kala daataa iyaga oo dhallinyaro ah, sababta oo ah ugxan-sidayaashooda ayaa joojiya soo saarista ugxanta.

Sida caadiga ah, kolka galmada hore ay dhex marto labada ruux ee isqaba, geedka ninku waa uu damaa, dabeetana waxa labada qof qabta wax aad lulo mooddo oo ah daal iyo macaan isku dheehan. Waxase jira rag kolka ay biyabbaxaan uusan geedkoodu damin, awoodna u leh inay mar labaad galmo sameeyaan. Ragga qaar baa saddex ilaa afar jeer oo isdaba joog ah biyabbaxa isagoon geedku ka damin, waxase aanu shaki ku jirin in mar kasta oo ay galmadu badato ay awoodda raggu sii yaraato, yaraatana xawada ay tuurayaan ilaa ay eber gaarto.

Qanjirrada taranku si ay mar labaad u soo daayaan xawo bisil, waxay ugu yaraan u baahan yihiin toban saacadood. Sidoo kale dareenka macaansi ee ninku waa uu yaraadaa galmada labaad ama tan saddexaad kadib. Biyabbaxa (gariirka) naagtu isagu waa uu ka duwan yahay kan ninka, dhismeheeda oorganeed baana u oggolaanaya inay inta ay doonto galmo ka qayb qaadato.

Ugu danbeeyntii Waxaa la arkaa in haweeneydu ay awooddo inay ninka hoos seexato oo uu ka xaaja guto, iyada oon gaarin heer kacsi ay ku biyabbixi karto, ha yeeshee haweeneyda caynkaasi ahi kolka ay hoos jiifto gacalkeeda ay jeceshahay, waxay biyabbaxdaa 2-3 jeer intuusan isagu biyabbixin. 

Waxaa weliba la sheegaa in aanay haweeneydu ka daalin kacsi ilaa ay ka hoos istaagto ninkeeda, haddii iyada lala tashan lahaana ha la isa saarnaado ay oran lahayd habeenkaasi oo dhan.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada