Garsoore ka tirsan Horyaalka Ingiriiska oo ka mushaar badan Ra’iisul wasaare Cameron

Garsoore ka tirsan Horyaalka Ingiriiska oo ka mushaar badan Ra’iisul wasaare Cameron

daajis.com:- Garsoorahaan oo lagu magacaabo Martin Atkinson waxa uu qaatay lacag ka badan £8,000 marka la bar bar dhigo mida uu qaatay Raisul wasaaraha Britain xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Garsoorahan  “Kibir lowga” ku tilmaamay Phil Jagielka kaddib markii uu gool baxay ku sharciyeey Everton toddobaadkii tagay bartamihiisii waxa uu qaatay £150,650 ololihii 2014-15.

David Cameron waxaa uu mushahar ahaan u qaatay £142,500 isla waqtiga uu intaas ku helay seeri wadaha.

Atkinson oo ay da’diisu tahay 44 waxa uu kaalinta labaad uga jiraa garsooreyaasha ugu qanisan Premier League waxa kasareeya oo kaliya Mark Clattenburg kaas oo ilaa iyo hada jeebka gashaday £127,900.

Garsooreyaasha horyaalka heerka kowaad waxa ay ololihii qataaan £90,000 waxaana u dheer lacagaha ay kulankii helaan.

Kulanka gudaha ah waxa ay helaan £450 halka marka ay mid Yurub ah qabtaan ay qaataan £4,000.

Atkinson waxa lagu edeeyey in uu ku guul dareystay in uu arko kubad uu Raheem Sterling ka soo dhiraan dhiriyey banaanka garoonka goolna ku noqotay Everton

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada