Barack Obama oo toddobaadka dambe booqanaya Masjid ku yaal dalka Maraykanka

Barack Obama oo toddobaadka dambe booqanaya Masjid ku yaal dalka Maraykanka

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horeysay waxa uu booqanayaa toddobaadka soo socda masjid ku yaal dalka Maraykanka si uu u difaaco xoriyada diinta.

Sarkaal u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in booqashada masjidka ay la xiriirto sidii uu Madaxweyne Obama uu u muujin lahaa daaficida diimaha.

Obama ayaa lagu wadaa in uu booqdo Arbacada soo socota masjid ku yaal magaalada Baltimore halkaas oo uu kula kulmi doono bulshada Muslimiinta ah uuna qudbad u jeedin doono sida uu shaaciyay sarkaalka u hadlay Aqalka Cad.

“Madaxweynaha waxa uu u sheegi doonaa Muslimiinta uu la kulmo sida ay uga go’an tahay in uu ka run sheego mowqifka dowlada ee ah in dhammaan dadka Maraykanka ay ka soo horjeestaan dadka ka soo horjeeda kala duwanaanshaha iyo dhowrida dhaqanka iyo xor ahaanshaha diimaha,”ayuu yiri sarkaalkan u hadlay Aqalka looga taliyo dalka Maraykanka.

Booqashada Obama ee masjid ku yaal gudaha Maraykanka ayaa ah tii ugu horeysay,hase ahaatee waxaa uu boqoday masaajidyo ku yaal dalal kale.
Obama oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sanadkii hore waxa uu ka codsaday shacabka Maraykanka inay diidaan hadalo ka soo horjeeda diinta Islaamka oo ay sheegeen siyaasiyiin uu ku jiro musharaxa u tartamaya in xisbiga Jamhuuriga uu u metelo doorashada soo socota ee dalka Maraykanka Donald Trump,

Trump ayaa ku baaqay in dadka Muslimiinta ah ee booqasho ku imanaya dalka Maraykanka la mamnuuco kadib markii lamaane Muslimiin ah ay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad Maraykan ah San Bernandinho California horaantii December ee sanadkii hore halkaa oo ay ku dileen 14 ruux.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada