Kenya oo ka Shakisan in Ciidamada Dowladda ay ku Lug Lahaayeen Weerarkii Ceel Cadde

Kenya oo ka Shakisan in Ciidamada Dowladda ay ku Lug Lahaayeen Weerarkii Ceel Cadde

daajis.com:- Qubaro ay dawlada Kenya u xilsaartay inay baaraan sida uu u dhacay weerarkii Ururka Al-Shabab ku qaadeen xerada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay baarayaan eeda la xariirta doorka ay ciidamada dawlada Soomaaliya ku lahaayeen weerarkaas.

Wargayska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in qubaradan ay la kulmayaan saraakiisha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo si ay wax uga weydiiyaan weerarkii Ceel-Cadde ka dhacday ee ciidamada Kenya askarta badan looga dilay.

Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ayaa laga waraysan doonaa sida uu weerarku u dhacay iyo xaaladda ay xilligaas ku jireen ciidamada Soomaaliya oo deganaa xero u dhaw xerada la weeraray.


Waxyaabaha ay guddigaan baarayaan ayaa waxaa ka mid ah sida ay ku dhacday in la jaro isgaarsiinta xerada oo go’day markii uu weerarku bilowday.

Taliyaha ciidamada Kenya Samson Mwathethe ayaa sheegay in kooxdii xerada weerartay ay markiiba bartilmaameysteen goobta isgaarsiintu taalay si aan loogu gurman ciidamada la weeraray.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay in tuhunka ay ka qabaan saraakiisha ciidamada Soomaaliya ay tahay inay wax ka ogaayeen weerarka oo ay la socdeen sida weerarku u socday.

Qaar ka mid ah askartii bad baaday oo warbaahinta dalkooda la hadlay ayaa waxay sheegeen in kooxda weerartay ay u muuqdeen inay xog badan haysteen oo ay tilmaan ku socdeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada