Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda Kizza BESIGYE oo Xabsiga loo Taxaabay

Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda Kizza BESIGYE oo Xabsiga loo Taxaabay

daajis.com:- Hoggaamiyaha ugu Awoodda badan Mucaaradka Uganda, Kizze Basigye ayaa lagu Xiray deegaanka Naguru oo ka tirsan dlaka Uganda, sida uu sheegay Afhayeenka xisbiga FDC.

Ssemujju Ibrahim Nganda oo ah afhayeenka xisbiga mucaaradka ee FDC ayaa u xaqiijiyay wabaahinta xariga Kizze Besigye, isagoo sheegay inay xireen ciidammo ka tirsan booliiska dalka Uganda.

Afhayeenku wuxuu intaa raaciyay in Kizze Besigye la xiray kaddib markii uu tagay guri ay mucaaradku sheegayaan inay ka socotay xatooyad codadkii ay maanta dhiibteen shacabka Uganda.

Xubnaha Xisbiga Mucaaradka ah ee FDC ayaa sheegay inay dalbadeen in guriga la baaro, laakiin loo diiday inay galaan. Kadibna Waxay sheegeen in Besigye la xiray oo Booliisku ay goobta ka ka xeeyeen.
Dhanka kale, Isniintii Toddobaadkan ayay ahayd markii booliiska dalka Uganda ay xireen Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee FDC, Besigye, kaddib markii ay ku eedeeyeen in uu jabiyay amar ay booliisku soo saareen.

Ugu dambeyn, illaa hadda Dowladda Uganda kama aysan hadlin Xarigga la sheegay in loo geystay maanta hoggaamiyaha xisbiga FDC ee Uganda, xilli hogaamiyeyaasha mucaaradka ay ku eedeeyeen xukuumadda inay doonayso in codadka doorashada ay musuq-maasuqdo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada