Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay isu diyaariyeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay isu diyaariyeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

daajis.com:- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay isu diyaariyeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo dhowaan ku qaadi doonaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobollada Jubooyinka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid muddo la dejinayay, isla markaana maalmaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka looga saarayo Al-Shabaab deegaanada Jubbooyinka.

“Dhowaan waxaa bilaaban doona howlgalkii Wabiga Jubba, ciidamada waa diyaarsan yihiin, qorshahan muddo ayaa la dejinayay”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada ay ka helayaan AMISOM, balse waxaa uu tilmaamay in isku tashan doonaan ciidan ahaan.

Ciidamo fara badan oo Itoobiya ka socda ayaa maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayay Kismaayo, kuwaasoo diyaarado lagu geeyay, waxaana ciidamada ka qeyb qaadan doonaan howlgalka dhowaan bilaaban doono.

Sidoo kale Ciidamada Kenya oo horay ugu sugnaa Kismaayo ayaa iyana la sheegay inay qeyb ka yihiin howl galka, hase ahaatee waxaa ay dhowaan ka soo baxeen deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka Kismaayo.

Ma ahan markii u horeysay oo uu Maamulka Jubbaland ku dhawaaqo inuu qaadayo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada