Daawo: Obama oo Booqday Masjidka iyo asiga oo soo daliishaday Xadiifyadii Nabigeena iyo aayado quraan

Daawo: Obama oo Booqday Masjidka iyo asiga oo soo daliishaday Xadiifyadii Nabigeena iyo aayado quraan

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay booqday masjid ku yaal dalka Mareykanka tan iyo mudadii uu xilka haayay, ayaa wuxuu khudbad uu ka jeediyay masjidka magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ku sheegay in diinta Islaamka tahay Nabad, salaanta dadka Islaamkana ay muujineyso nabadgelyo.

Mr. Obama ayaa meesha ka saaray cabsida dad badan oo Mareykan ah ay ka qabaan Islaamka, isagoo soo xiganayay xadiisyo laga wariyay Suubanaheena Muxamed CSW iyo Aayado Qur’aan ah oo ka hadlayay nabadda iyo bulshooyinka kala duwan ee shacuubta ku kala duwan.



Madaxweyne Obana ayaa wuxuu soo xigtay xadiiskii Nabigga ee “qofkii doonaya in ay janno gasho, dadka ha ula dhaqmo sida uu isagu jecel yahay in loola dhaqmo”,  wuxuuna intaa ku daray in qof masiixi ah oo sideyda oo kale ah waxay ila tahay in arintaasi ay tahay wax la garanayo.

Obama ayaa intaa ku daray in dadka Mareykanka ku nool in ay leeyihiin diimo kala duwan, Muslimkana uu ka mid yahay dadka Mareykanka oo leh Siyaasiyiin, ciyaaryahano, fannaan, dhaqaatiir iyo qeybaha kale ee bulshowga kale leh.

Jilaa.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada