Maqaal Xiisaleh uu qorey Yusuf Garad: Qabyaalad-diid mise Qabiil-u-dood

Maqaal Xiisaleh uu qorey Yusuf Garad: Qabyaalad-diid mise Qabiil-u-dood

daajis.com:- Qormadan akhri haddii aad tahay qof maskax furan, fikirkiisa xor u ah, awoodna aad u leedahay in waxa ay hadda kula tahay aad wax ka beddeli karto haddii lagu soo hor dhigo dood maangal ah oo xisaab kugu taabsiisa xaqiiqada.

Waxaan rabaa in aan si deggan isula dhiraandhirinno buuqa ku furan nidaamka 4.5. Buuqaasi waa qabyaalad diid, caddaalad doon ah oo u daneynaya danta guud iyo Soomaalinnimada ama waa buuq dadka wadaa ay doonayaan qabyaalad horseedi karta sadbursi oo ay iyaga wax ugu kordhayaan lana hubin in ay shaqeyn karto.

Waxaan rabaa in aan isla cabbirno arrinkaas.

Anigu waxaan qabaa nidaamka 4.5 in aanuu ahayn caddaalad, sidaa darteedna ay tahay in looga gudbo nidaam caddaalad ku dhisan oo ay dadku u siman yihiin oo ah qof iyo cod. Waa sida Dastuurku qabo laakiin dowladda hadda jirtaa ay ka dhabeyn kari weyday.

Waxaa soo baxay dad diiddan 4.5 waa nidaam qabiili ah ee aan uga guurno qaab degaan. Taas waxaa macnaheedu yahay degmooyin aan dadkooda la tirin si siman kuraasta ha loogu qeybsado.
Dadka qaar waxay u qabaan 4.5 dadka diiddani in ay yihiin dad qabiil diid ah, qaar kalena waxay u qabaan in ay iyagu wadaan qabyaalad weliba caddaalad darro ku saleysan taas oo ah reerkeygu waa in uu ka kuraas badnaadaa reeraha kale.

Labada midda ay tahay sidee lagu garan karaa? Halbeeg lagu kala ogaado ma la heli karaa?

Jawaabtu waa ay sahlan tahay. Waxaa lagu ogaan karaa in la hubiyo qofka diiddan 4.5 in reerkiisu uu ka kuraas badnaanayo reeraha ay hadda isku kuraasta yihiin haddii degmo la aado iyo in kale.

Anigu siyaasiga aan reerkiisa kuraastu u badaneyn haddii 4.5 laga guuro, haddana diida 4.5 ayaan u arkaa in uu yahay mid qabyaalad-diid ah. Midka ay reerkiisa kuraastu ugu badaneyso diidmada 4.5 waxaan u arkaa qof u doodaya xaq uu u arko in uu reerkiisa ka maqan yahay.

Siyaasigii doorbidaa xor ayuu u yahay in uu beeshiisa xuquuqdeeda u raadiyo. Laakiin waxaan jeclaan lahaa laba in uu sameeyo. Marka hore in aanuu iska dhigin qof qabyaalad-diid ah ee uu sheegto in uu qabiilkiisa xaq u raaadinayo. Marka labaad in uu danta guud ka fekero oo is weydiiyo hal su’aal: Sideen u aqbalsiin doonaa qabaa’ilka aan damacsan ahay in aan ka kuraas bato aniga oo aan tirokoob ku helin?

Aqbalaadda qabaa’ilka aan wax u kordheyn waa muhiim si aanay wadajirkeenna iyo Dowladnimadeennu u wiiqmin.

W/Q: Yuusf Garaad

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada