Qiyaano Aan Dambi Aheyn Oo Aad Qalbiga Gacaliyahaaga Ku Kasban Karto ! Farsamo Cusub.

Qiyaano Aan Dambi Aheyn Oo Aad Qalbiga Gacaliyahaaga Ku Kasban Karto ! Farsamo Cusub.

daajis.com:-Xiriirkasta oo ka dhexeeya laba isqabta iyo laba isjecel wuxuu u baahan yahay in sida ukuntii oo kale loo dhowro,sida ubixii oo kale loo waraabiyo,islamarkaana laga ilaaliyo inuusan wiiqin.

Isbedelada nolosha iyo cimiladuba bini aadamka wax cusub oo hor leh ayuu ka bartaa. hadii aad aaminsan tahay in qof ku jecel uusan isbedel ku imaan karin waad qaldan tahay, waxwalba sidooda ma ahaan karaa oo waxey u baahan yihiin boor ka jafid iyo dib u soo nooleyn.
Waxaa marwalbo la arkaa dad aad isku jeclaa oo hadana iyadoo aan cidna soo kala dhexgelin isku caajisa. weligaa ma isweydiisay maxaa u sabab ah arimahaas oo dhan. hadaba waxaan kuu heynaay talooyin ku anfici doona Marwo.
Noqo mid maqasha oo dhageysata hadaladiisa marka uu kula wadaagayo rabitaankiisa gudaha, waxa uu ka helo, cabsidiisa iyo dhamaan wuxuu xiiseeyo kadib waxaan waxaad ogaaneysaa waxa uu aadka uga helo.
U samee cunooyinka uu aadka u jecelyahay,adigoo mararka qaar lama filaan uga dhigaayo cunada uu aadka u xiiseeyo.


U dhig meel uu si fudud uga arki karo fariimo yar yar oo aad ugu muujineyso sidaad u jeceshahay hadey ahaan laheyd geeraar yar, buraanbur, hees ama hadalo kookooban, hadii aad sidaasi sameyso maalintaas oo dhan adiga ayuu kugu riyoon doonaa cidkalena lagama yaabo inuu ka fikiro.

Abuuritaanka jewi fiican si gaar ah dareensii inuu yahay shaqsi muhiim ah oo la koolkoolinaayo lana qaado waqti aad u xiiso badan si indhihiisa aaney cid kale u arkin.
Sii fursado aad ku soo wareegtaan magaalada si aad u wada qaadataan hawo macaan,si aad u qoto qof uu ku faano oo gacanqabsi dadka horteeda uu la maro.
Waa inaad lahaatiin baaqyo idiin gaar ah aad wadaagtaan oo ay ka buuxaan ereyo soo jiidasho.
Noqo qof daacad ah, iskana ilaali iney caado kuu noqoto been,noqo qof ku dhiirata oo aan la gamban runta.
Ragga badankood aad ayey u jecel yihiin in la amaano,xitaa hadii aysan markaas kuu mahadcelin waxaa hubaal ayay daajis.com ku leedahay ah in ereyadii aad ku amaantay ay qalbigooda ku soo noqnoqoto farxad iyo yididiilooyina ay siiso. ku amaan xitaa howlo yar oo uu qabtay dareensiina ahmiyada ay xagaaga ka leedahay waxyaabaha aad ku amaantay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada